DAAWO SAWIRRADA: Ardayda Iskuulka Bilaal oo Munaasabad qabsaday “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa maanta Munaasabad ku qabsaday Ardayda dhigata Iskuulka Bilaal Primary and Secondary School, taasi oo aheyd mid ay ku soo xirayeen sanad Dugsiyeedka gaba gabada maraya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Macalimiin, Waalidiin, qaar ka tirsan Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqidsho, Arday iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale Munaasabadan ayaa waxaa lagu sagootinayay Ardayda sanadkan ka qalin jabineysa Iskuulka, kuwaasi oo u diyaar garoobaya Imtixaankoodii ugu dambeeyay ee Iskuulka.

Maamulaha Iskuulka Billaal Jaamac Axmed Cabdulle oo Munsaabada ka hadlay ayaa sheegay in ay bogaadinayaan Ardayda sanadkan ka qalin jabineysa Iskuulka, isaga oo sidoo kale sheegay dhammaan Ardaya Soomaaliyeed ee dooneysa barashada Iskuulka nidaamiga ah in ay soo dhaweynayaan.

Ugu dambeyntii qaar ka tirsan Ardayda ayaa waxa ay Hadiyado qaali ah oo ay ku jiraan Kutubo Qur’aan gudoonsiyeen Macalimiintii mudada dheereed ay la joogeen, oo soo wax baray.

 

PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

bilaal

bilaal 1 bilaal 2 bilaal 3 bilaal 4 bilaal 5 bilaal 6 bilaal 7 bilaal 8 bilaal 9 bilaal 10 bilaal 11