Xildhibaan C/qaadir Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu baahan yahay in ay ka taxadarto in doorashada aysan dib ugu dhicin waqtigii lagu balamay.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in shacaka degaanada Galmudug ay u baahan yihiin Dowlad, ayna muhiim tahay in doorashada waqtigii loogu tala galay la qabto.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda dhexe loogu baahan yahay in ay ka shaqeyso hormarinta shacabka degaanada Galmudug, waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada Galmudug ay diyaar u yihiin sidii ay Dowladda ugu taageeri lahayeen qabsoomida doorashada.
Waxa uu xusay in abaar daran ay ka jirto degaanada Galmudug shacabkana ay u baahan yihiin in ay helaan gargaar iyo hogaan cusub oo ay ku wada qanacsan yihiin shacabka iyo Siyaasiyiinta Galmudug.
Madaxda Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu heshiiyay in 30 bishaan April Magaalada Cadaado lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, waxaana hada Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo ay dowladda garwadeen ka tahay oo ay ku wada hadlayaan Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.


