Jabuuti iyo Rwanda oo ka wada hadlay Xaaladda Soomaaliya

CAPE TOWN/SOUTH AFRICA, 11JUN2009 -Paul Kagame, President of Rwanda and Harish Manwani, President, Asia, Africa, Central and Eastern Europe, Unilever, United Kingdom, at the Plenary on Africa as the World's potential Breadbasket at the World Economic Forum on Africa 2009 in Cape Town, South Africa, June 11, 2009Copyright World Economic Forum www.weforum.org / Eric Miller [email protected]

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo ku sugan dalka Jabuuti iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ,ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay Xaaladda Soomaaliya.

kulan ay qaateen labada Madaxweyne waxa ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin Ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Rwanda ayaa u sheegay Madaxweynaha Jabuuti in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii gobolka Geeska Afrika Xasilooni loogu soo celin lahaa.

Dhan kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii nabad buuxda loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, islamarkaana waxa uu xusay in ciidamo arimahaasi ka shaqeynaaya ay dowladda Jabuuti ay ka joogaan Soomaaliya.

Labada Hoggaamiye ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa shalay booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo 48 Saacadood ah ku tagay magaala madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti.