Dowlada Federaalka oo dhiirigelineysa Bandhiga TEDxMogadishu 2017″ Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 laguna qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada soomaaliyeed.

Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimada Muqdisho ayaa ah mid dib u soo bilicday oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

T1 - Copy T2 - Copy