DHAGEYSO: Gudoomiye Thaabid oo balan qaad u sameeyay Shacabka Muqdisho

Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo xalay la wareegay xilka ayaa waxaa uu sheegay in uu waxbadan uu kusoo kordhin doono horumarka Caasimada.

Mudane Taabid ayaa sheegay in xoogga saari doono sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo inta badan ay ka dhacaan Falal lidi ku ah Ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday xuquuqda gobolka Banaadir ka maqan , waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in reer Muqdisho ay yeeshaan Xuquuqda ay leeyihiin dad kale.

Gudoomiye Thaabid ayaa xusay in Magaalada Muqdisho ay gaari doonto Horumar dadka oo dhan ay wada dareemi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu joojin doono dilal qorsheysan iyo Qaraxyadda ka dhacaya Muqdisho.

Gudoomiye Thaabid ayaa ugu dambeyntii Sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir loo sameyn doono xarumaha gurmadka deg deg ah.