Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Wadajir Gaar ahaan Warshadii Hore ee Nacnaca ayaa waxa ay sheegayaan in ruux soo xirtay dharka ciidamada dowladda Soomaaliya uu isku qarxiyay gudaha Xerada Ciidamada.
Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan , waxaana la sheegay in ruuxa Qaraxa fuliyay uu gudaha u soo galay Xerada Ciidamada ka dibna uu is qarxiyay.
Waxaa ka dhashay Qaraxaasi khasaare isugi jira Dhimasho iyo dhaawac.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in joogeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Warshadii hore ee Nacnaca ayaa waxaa ku taalla Xero Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku tababartaan.
Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaana ay xireen dhammaan Wadooyinka soo gala Xerada.
Ilaa iyo hadda si cad looma ogga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.


