Qarax ayaa ka dhacay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo

Wararka inaga soo gaaraya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu qarax ka dhacay.

Waxaana qaraxaasi uu ka dhacay Maqaaxi  ku taala degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo dadka ay ku caweeyaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in hada isgaarsiinta ay hawada ka maqan tahay ilaa iyo hadana aan la ogeyn qasaaraha uu geystay qaraxaasi.