Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay ciidamo aad u fara badan oo lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo kuwaas oo la tilmaamay in ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta magaaladaas oo maalmihii u dambeeyay qaraxyo iyo weeraro ay Al-shabaab ka geysanayeen.
Darwiish ayaa sidoo kale sheegay in ciidmadan ay si gaar ah u adkeyn doonaan amaanka xaafadaha isagoo sheegay in taa bedelkeeda looga baahan yahay dadka Jubbaland in ay maalgashi ku sameystaan goobaha ganacsiga ee magaaladaas iyo sidoo kale in dib loo howlgaliyo warshadihii ku yaalay magaaladaasi.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo fariisin u ah maamulka Jubbalnad waxaa dhowr jeer oo hore falal ka baxsan amniga ka geystay ururka Al-shabaab.


