DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Aw-dheegle

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay weerarkii habeenkii talaadada ahayd ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Weerarkaasi in ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isla markaana kuwa kale ay ku dhaawaceen.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi Maxamed oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay qeyb ka ahaayeen weerarkaasi ka dhacay deegaanka Awdheegle.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan dagaalada iyo Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saaraan guud ahaan dalka sida uu sheegay.

Sidoo kale Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi Maxamed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay dowladda gacanta ku soo dhigtay ka dib Weerarkii Awdheegle.

Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka uu Warbaahinta u xaqiijiyay iney ku lug lahaayeen Weerarki ka dhacay deegaanka Awdheegle isla markaana ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.