Madaxweynaha Kenya “Ciidamadeyda kama baxayaan Soomaaliya”

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Somaliya aysan ka baxeyn Somaliya ilaa Al Shabaab laga saarayo Gobolka sida uu hadalka u dhigay.

Mr Kenyatta oo la hadlaayay Baarlamaanka dalkaas ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ee Gabdhaha iyo wiilasha ah ee ku sugan Somaliya ay sii joogi doonaan inta ay ka dhamaaneyso qatarta amni ee gudaha Kenya ay ka geystaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Kenyatta  ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Askarta Kenya ee ku dhimatay Somaliya gaar ahaan askartii Ceel Cadde iyo Kulbiyow,waxaana uu sheegay in askartaas ay u dhinteen shacabka iyo difaaca Kenya sidaas darteedna ay yihiin geesiyaal dhintay iyaga oo u dagaallamaya dalkooda waxaana uu ka gaabsaday tirada Askarta kaga dhimatay labada weerar.

Mr Uhuru waxa uu ku dooday in Al-Shabaab aysan hadda heysan fursad ay ku cabsi geliyaan shacabka Kenya ee ku nool gudaha dalkooda taas beddelkeedana ay ciidamada Kenya u joogaan Somaliya sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Somaliya,kan Kenya iyo Gobolka oo dhan.

Waxa uu Baarlamaanka dalkaas ka hor amaanay amniga Somaliya iyo booqashadii uu ku yimid Somaliya ee uu kaga qeyb galay Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in intii uu ku sugnaa Muqdisho uusan dhicin hal fal oo argagixiso geysatay sidoo kalena doorashada Soomaaliya ay u dhacday si nabad ah shacabkana ay doorteen Madaxweyne ay rabeen taas oo uu sheegay in Kenya ay qeybteeda kaga faaneyso maaddaama ay ka qeyb qaadatay nabadeynta Somaliya walina sii wadayaan inta laga xasilinayo Gobolka.