Joseph Otiende, oo ahaan jiray wasiirka ugu horeeyay waxbarashada Kenya ayaa dhintay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dalka Kenya.
Otiende ayaa ku dhintay 100 Sano , Isbitaal ku yaalla gobolka Kisumu ee Dalka Kenya.
Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maleya Chanzu ayaa sheegay Otiende in uu saaka geeriyooday , islamarkaana isbitaalka uu jiray labadii bilood ee lasoo dhaafay.
Joseph Otiende ayaa ahaan jiray Wasiirkii Waxbashada dalka Kenya sanadyadii 1963 iyo 1969.



