Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa Xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay in uu Musuq maasuqay Lacag lagu tala galay dadka ku dhibaateysan degaanada maamulka Koonfur Galbeed Galbeed , gaar ahaan degmada Marka.
Gudoomiyii Hore ee Marka ayaa ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Marko oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM Sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Gargaarka iyo Naafadda Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Muuse oo la hadlay Idaacadda Risaala, ayaa wuxuu sheegay lacagtaasi inuu lunsaday Gudoomiyihii hore ee Marka.
Lacagta la lunsaday ayaa waxaa ay gaaraysaa sideed kun oo dollar.
Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay maamul goboleedyada ay u qeybisay lacag loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen in la gaarsiiyo waxaana qaabkii lacagtaasi loo isctimaalay kasoo yeeray qeylo dhaano kala duwan oo ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.



