Iyadoo qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya laga soo sheegaayo in si aan habooneyn loo isticmaalay Gargaarkii loogu tala galay dadka ay abaaruhu Saameeyeen ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya ayaa Ra’iisulwasaaraha Xuukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in si hufan loo gaarsiiyo gargaarka loogu tala galay dadka ay abaaruhu Saameeyeen.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si caddaalad ah oo ay u siman yihiin Bulshada dhibaateysan ay wax u qeybin doonto.
Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay maamul goboleedyada ay u qeybisay lacag loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen in la gaarsiiyo waxaana qaabkii lacagtaasi loo isctimaalay kasoo yeeray qeylo dhaano kala duwan oo ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.



