DHAGEYSO: Maamulka Hirshabeelle oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

Maamulka Hirshabeelle ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen in gurmad deg deg ah ay gaarsiiyaan degaanada ay abaartu ka jirta ee Maamulka HirShabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda in aysan qaadan doorkeeda ku aadan u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool degaanada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Maamulka HirShabeelle ahna Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa sheegtay in Dowladda ay Maamulada kale taageertay balse Maamulka HirShabeelle aysan weli u gurman.

Waxa ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool degaanada HirShabeelle iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee degaanadaasi ku sugan.