Ciidamada Itoobiya 3 ruux ku dilay duleedka Degmada Buurhakaba

Saraakiisha Ciidamada degmada Buurhakaba ayaa Risaala u sheegay in ciidanka Itoobiya ay dileen 3 nin oo shabaab ka tirsan oo miino ku Aasay degaanka Mooda-Moode.

Ku simaha taliyaha Saldhiga Degmada Buurhakaba ayaa Risaala u sheegay in Saddexda nin ay miino ku Aaseen wadada u dhexeysa degmooyinka Buurhakaba iyo sidoo kale Magaalada Baydhabo ,islamarkaana ay la kacday kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Itoobiya.

Waxaana uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay qabteen nimankaasi oo isku dayay in ay baxsadaan , islamarkaana ay dileen.

Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Itoobiya  la la eegtay Qarax Miino , islamarkaana ay ku dhinteen saddex Sarkaal oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Ilaa iyo hadda ma jiro ilo ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinaya sheegashadooda.

Al-Shabaab ayaa inta badan Miinooyin u dhiga ciidamada dowladda Itoobiya xilliyada ay ku Safraayaan wadooyinka.