Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in Weerar Bambooyin ah lagu qaaday Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari.
Weerarka ayaa dhacay Xilli goobta ay joogeen dad aad u farabadan.
Maanta oo kale waxaa ay maxkamadu qaadaa kiisaska madaniga ah.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacantay Weerarkaasi Bambooyinka sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.


