DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay codsigii Farmaajo

Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay codsigii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu u diray Dowladda Sacuudiga, ee ahaa in Imaaraadka uu joojiyo qorshaha uu saldhiga Millitari kaga dhisanayo Magaalo xeebeedka Berbera.

Axmed Xaashi C/llaahi Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Maamulka Somaliland oo warbaahinta Somaliland la hadlay ayaa tilmaamay in Sacduuiga aanay ka hor istaagi karin qorshaha uu Imaaraadka saldhiga kaga hirgelinayo Berbera.

Waxa uu sheegay Wasiir Axmed marka hore Madaxweyne Maxamed Farmaajo in looga baahan yahay Madaxtooyada iyo hareeraheeda uu xaqiijiyo amnigeeda, kadibna uu ka hadlo arrimo kale.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Axmed Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Somaliland ay u madax banaan tahay in ay heshiisyo la gasho dalalka caalamka isla mar ahaantaasna uusan ka hor joogsan karin Farmaajo.

Dhainaca kale Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka ay tahay Dowlad quwad leh iyadana ay go’aanka ledahay balse Madaxda Soomaalida aysan gaari Karin go’aan aysan awood u laheyn.