Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa balan qaaday in sharciga la marsiin doono cid kasta oo ay ku cadaato in ay geysatay Musuq maasuq, sidoo kalena Qofka aan loo fiirin doonin in uu Mas’uul yahay.
Isaga oo ka hadlayay doorka xukuumadiisa ay saari doonto la dagaalanka Musuq maasuqa oo ay ku kacaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka qaarkood ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay Dagaal xoogan u geli doonto sidii ay u gaba gabeyn laheyd Musuq maasuqa.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inaan cidna sharciga looga heybeysaneyn darajo kasta oo uu joogo hadii ay ku cadaatana waxyaabo la xiriira Musuq maasuqa sharciga la horgeyn doono.
Waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay gashay rajo, taas oo keentay in ay si buuxda u taageeraan Dowladda cusub oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Soomaaliya ayaa inta badan waxaa la tilmaamaa waxyaabaha ay la degtay Dowladnimada Soomaaliya in ay tahay Musuq maasuq ka jira inta badan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka.


