DHAGEYSO: Puntland oo sharciyo siisay Maraakiib

Boosaaso-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay sharciyo siiyeen Maraakiib ka Kalluumeysata xeebaha Degaanada Maamulkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Maamulka Puntland C/nuur Cilmi Biindho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Maraakiib laga leeyahay Jabuuti oo tiradooda ay dhan tahay 7, ay siiyeen sharciyo.

Sdioo kale C/nuur Cilmi Biindho Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay Maraakiibtan in ay yihiin kuwo si sharaci ah uga Kalluumeysan doona xeebaha Degaanada Maamulka Puntland.

Waxa uu Wasiir Biindho sheegay in Dowladda Jabuuti iyo Wasaaradiisa ay iska kaashanayaan dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowleysata xeebaha Soomaaliya.