DHAGEYSO: Axmed Madoobe “Ha lala shaqeeyo R/wasaaraha cusub”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo shalay uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland hadii ay yihiin Maamulka Jubbaland in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in uusan waxba qaban karin, hadii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka aysan la shaqeyn, sidoo kalena aysan jiri doonin Dowlad mar walba ka shaqeysa danaha shacabka.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo kulan shalay kula qaatay Magaalada Muqdisho xildhibaanada laga soo doortay Degaanada Jubbaland ayaa ugu baaqay in ay iscafiyaan, maadaama xildhibaanada qaar ay iskaga soo horjeedaan Ololihii siysaasada Doorashada.