DHAGEYSO: Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, maanta waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyeyaal Degmo, Ururka Haweenka, Dadweyne isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, Kooxda Fanka ee Heegan, iyo xubno kale, waxaana soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen hadii ay yihiin Maamulka Gobolka iyo shacabka Muqdisho in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay aqoonta uu u leeyahay Khayre in ay tahay mid wanaagsan, sidoo kalena uu yahay nin ka shaqeeya arrimaha Bani’aannimada, hadana Soomaaliya ay u baahan tahay arrimahaasi oo kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku taliyay in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, maadaama howsha la wada qabanayo ay qeyb ka tahay mid Qaran.

 

Banaanbax 1 Banaanbax 2