Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Beerxaani

Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday degaanka Beerxaani oo qiyaastii 50-KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen Shabaab.

Goobjoogayaal ku suggan degaanka Beerxaani ayaa VOA-da u xaqiijiyay in ciidamada is garabsanaya oo wata taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ay hareereeyeen tuulada kadibna ay rasaas iyo duqeyn ku qaadeen fariisimaha Al-Shabaab ee Beerxaani, halkaasna uu ka dhacay dagaal socday ku dhawaad hal saac.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray dhinacyada dagaallamay, hase yeeshee waxaa jira labo ruux oo ka tirsan dadka degaanka oo uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta la isku adeegsanayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka kuwaasi oo duqeyn dhanka cirka ah u geystay saldhigayada degaanka ee Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira warar kale oo sheegaya in ciidamada is garabsanaya ee weerarka ku qaaday Beerxaani ay bartilmaamsanayeen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo aanan wali magaciisa la shaacinin.

Masuulyiinta Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin weerarka ay Ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ku qaadeen degaanka Beerxaani.