Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale ayaa waxa ay maanta booqdeen dadkii ku soo dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Degmada Wadajir ee ku jira Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa deeq lacag ah guddoonsiiyay qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ee ku jira Isbitaalka Madiina, Waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxda Isbitaalka Madiina.
Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xusen Jimcaale ayaa Warbaahinta u sheegay in ay diyaar u yihiin taageerada shacabka Muqdisho, si shacabka ay u helaan nabadgelyo iyo nolol raaxo leh.
Waxa uuna sheegay in ay joogteynayaan ka war qabka dadka dhibaateysan ee ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay u ogaadaan in la garab taagan yahay.


