Muqdisho-RisaalaFM- Maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 22/02/2017 ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee dhawaan la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo.
Muqdisho ayaa u muuqato mid u diyaarsan in ay qaabisho Wufuudda Caalamiga ah ee la filayo in ay ka soo qayb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo 8-dii bishan lagu doortay magaalada Muqdisho.
Amniga Gobolka Banaadir ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada Amniga qaybahooda kala duwan oo u diyaarsan sugitaanka Amniga Magaalada Muqdisho.
Madaxwayne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Caleema saarka kadib la filayaa in uu soo Magacaabo Ra’iisul wasaare, kaasi oo looga fadhiyo in uu soo dhiso Xukuumad wax ka qabata baahiyaha kala duwan oo ay qabaan shacbiga Soomaaliyeed.


