Wareega 2-aad oo la bilaabay iyo kulamo ay yeesheen Musharaxiinta

Waxaa la guda galay wareega 2-aad tartanka loogu jiro Xafiiska Madaxtooyada Afarta sano ee ina soo aadan, iyadoo ayna isugu soo hareen Saddex musharax oo keliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku dhawaaqay in wareega 2-aad ay u soo gudbeen musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, balse uu tanaasulay Ina Sharmaarke.

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan goobta Doorashada, ayaa bilaabay in si habsami leh ay codadkoodu u dhiibtaan wareega 2-aad.

Ka hor inta aan loo guda gelin wareega 2-aad, ayaa waxaa musharaxiinta iyo Xildhibaanada la siiyay 20 daqiiqo oo nasasho ah, iyadoona ay musharaxiintu isu arkayn.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si gaar ah ula baxay C/qaadir Cosoble Cali iyo C/laahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees), oo labaduba ku haray wareegii 1-aad.

Shariif Sheekh Axmed, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa iyaguna si gaar ihi isu arkay, Kulamadan iska soo horjeedo, ayaa lagu macneeyay kuwo uun qayb ka ah loolanka loogu jiro Madaxtooyada.

Saddexda musharax ee isugu soo haray wareega 2-aad, ayaa waxaa madaxweyne noqon kara midkii helo laba meelood marka Saddex loo qaybiyo tirada codadka Xildhibaanada.

Prof. Jawaari, ayaa wuxuu xaqiijiyay in 328 Xildhibaan oo wax dooraneysa ay ku sugan tahay Xarunta Ciidamadii Cirka ee Afisyooni.