Muqdisho-RisaalaFM- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay, kadib markii wareegga labaad uu u soo gudbay.
Xasan Sheekh Maxamuud oo heesta 88 cod, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo 72 cod, Shariif Sheekh Axmed 49 cod iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo helay 37 cod ayaa u soo gudbay wareegga Labaad, balse Cumar C/rashiid ayaa tanaasulay.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo goobta ka hadlay ayaa sheegay hadal la yaab leh, kaas oo ahaa “Waad garan kartaan guuxeyga meesha uu u socdo”
Ina Sharmaarke, ayaa waxaa si dhow loola xiriirinaya in midkood uu u tanaasulay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Shariif Sheekh Axmed, oo hal daraf ay isla yihiin.
Wareegga labaad ayaa hada waxaa ku tartami doona Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.


