Doorashada Madaxweynaha oo goor dhow bilaabaneysa

Muqdisho-RisaalaFMa- Waxaa goor dhow xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ka bilaaban doonta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan Musharaxiin fara badan.

Wariyaha Risaala ee ku sugan xarunta Doorashada ayaa soo sheegaya in goor dhow ay bilaabaneyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoolka ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa hada ku sugan xildhibaanada Dowladda Federaalka, Musharaxiinta, Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

22 Musharax ayaa u tartamaya xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Mas’uuliyiin horey dalka u soo martay, Siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale, waxaana ay kala yihiin:-

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid C/laahi Deni
  7. Dr. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed
  9. C/naasir Cabdulle Maxamed
  10. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  11. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  12. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  13. C/qaadir Cosoble Cali
  14. Cali Xaaji Warsame
  15. Cumar C/rashiid Cali Sharmaare
  16. Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
  17. Maxamed Axmed Jabarti
  18. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
  19. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
  20. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  21. Maxamed C/risaaq
  22. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.