Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa hada xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ka bilaabatay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee ku sugan xarunta Doorashada.
Hoolka ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaanada Dowladda Federaalka, Musharaxiinta, Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada.
Ammaanka guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, dadkuna waxa ay dhagta ku hayaan Warbaahinta maqalka, kuwa lugeynaya, halka kuwa guryaha jooga intii heli kartana ay daawanayaan Tv-yada.
22 Musharax ayaa u tartamaya xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Mas’uuliyiin horey dalka u soo martay, Siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale, waxaana ay kala yihiin:-
1.Axmed Maxamed Cabdi
2.Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
3.Bashiir Raage Shiiraar
4.Jabriil Ibraahim Cabdulle
5.Xasan Sheekh Maxamuud
6.Saciid C/laahi Deni
7.Dr. Saciid Ciise Maxamuud
8.Shariif Sheekh Axmed
9.C/naasir Cabdulle Maxamed
10.C/raxmaan C/shakuur Warsame
11.C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
12.C/laahi Ciilmooge Xirsi
13.C/qaadir Cosoble Cali
14.Cali Xaaji Warsame
15.Cumar C/rashiid Cali Sharmaare
16.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
17.Maxamed Axmed Jabarti
18.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
19.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
20.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
21.Maxamed C/risaaq
22.Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.


