Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada arimaha Gudaha oo lagu magacaabo Afrax ayaa ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay Wadada Shaqaalaha.
Sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah Qaraxa ayaa lagu xiray Gaari uu watay Shaqsigaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada Shaqaalaha Gaar ahaan dhabarka dambe ee Shaleemo Soomaali.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxaana ay baaritaan ku wadaan Gaariga Qarxay.


