Flop-ka Manchester United Memphis Depay ayaa lagu sawiray isagoo jooga Lyon, kahor inta uusan ka tagin kooxdiisa, isagoo lagu xamanayo inuu ka tagayo kooxdiisa inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Laacibkaan 22-sano jirka ah ayaa ku biiray kooxda Red Devils isagoo kaga yimid PSV Eindhoven sanadii 2015, balse waxa uu dhaliyay kaliya todoba gool 52 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu ugu soo biiray kooxda lacag dhan £25million.
Wararka ayaa soo jeedinaya in United ay aqbashay dalabka kaga yimid Lyon oo ku aadan Depay, kadib markii ay dalab kasoo gudbisay kooxda ka dhisan Ligue1 France, ciyaaryahanka reer Netherlands habeenkii arbacada.
“Memphis Depay ayaa yimid Lyon si uu ugala hadlo qodobada heshiiska mustaqbalkiisa OL, waxaana arintaan ka caawinaya wakiilkiisa oo maanta oo khamiis ah imaanaya” waxaa sidaas bogeeda Twitter-ka ku sheegtay kooxda Faransiiska ah.
Olympique Lyonnais ✔@OL
Memphis Depay est arrivé à Lyon pour discuter des termes de son futur contrat avec l’OL, assisté de ses agents qui arriveront ce jeudi.


