Ismaaciil Maxamed Kheyre Taliyaha amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxaa uu ka warbixiyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubaada hoose.
Taliyaha ayaa sheegay in qaraxyada aysan ka dhicin agagaarka garoonka diyaaradaha ee Kismaayo balse ay tahay goobta ay ka dhaceen meel bar kontorool ah oo 4 km u jirta garoonka.
Waxaana dhanka kale uu ka hadlay qasaaraha qaraxyadaas ay geysteen isagoo sheegay in 2 qof oo aan ahayn ciidan in ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha aya sidoo kale beeniyay idaacadaha qaar wararka ay tabiyeen oo ahaa in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow garoonka, waxaana uu intaa ku daray xilliga uu qaraxa dhacayay in wasiirka gaashaandhiga iyo wafdigii uu hogaaminayay aysan wali soo gaarin garoonka.
Maalmihii udambeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaa ku soo badanayay qaraxyada nuucaan oo kala ah iyadoo maanta uu halkaasi ka dhacay qaraxyo kuwaas oo ah miinada nuuca dhulka lagu aaso.


