DHAGEYSO: Heshiis ka dhacay Caabudwaaq oo lasoo dhaweeyay

Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud  ayaa soo dhaweeyay Heshiis ay wada gaareen labo beelood dhawaan ku dagaalamay Magaaladaasi.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay taageerayaan Heshiiska ay wada gaareen Beelihii walaalaha ahaa ee ku dagaalamay Magaalada Caabud waaq, waxa ayna tilmaameyn in ay ka shaqeynayaan dhaqan gelinta Heshiiskaasi.

Odayaasha ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto xasilinta Magaalada iyo sidoo kale la shaqeynta Maamulka Degmada iyo kan Gobolka.

Dhawaan ayay ahayd markii labo maleeshiyo beeleed ay ku wada dagaalameen magaalada Caabudwaaq , waxaana dagaalkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.