Xiddigii hore ee kooxda Manchester City Samir Nasri ayaa ku qaadanaya waqti cajiib ah kooxda Sevilla oo uu qaab amaah ah ugu ciyaarayo, balse 29 sano jirkan ayaa bixiyay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya uuna kaga hadlayay noloshiisa cusub ee dalka Spian.
Nasri ayaa ku sheegay waxa ugu wayn ee uu ku heysto kooxda ku ciyaarta garoonka Sánchez Pizjuán ay tahay cunto wanaagsan iyo gabdho qurux badan marka ay imaato dib u milicsiga noloshiisa cusub.
“Cuntadu waa wax aad u wayn halkan oo wanaagsan, dumarkana aad bay u qurxoon yihiin, waxaan horey u weydiiyay saxiibadeyda Jesús Navas, Silva iyo Nolito wax badan oo ku saabsan magaaladan, waxayna igu yiraahdeen waa meel aad u wayn oo wanaagsan,” ayuu ku sheegay wareysi dheer oo uu bixiyay Nasri.
“Markaan maqlay in Sevilla ay I doonayso, waxaan ogaaday islamarkaana aan go’aansaday inaad aado, hadii aad wax badan ka garanaysid kubada cagta, waxaad garanaysa waxa ay tahay Sevilla, waadna ogolaan kartaa inaad u ciyaarto naadi nuucaan oo kale,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeyay xiddigan heerka caalami ee u dhashay dalka Faransiiska.


