Sh/Hoose-RisaalaFM- Al-Shabaab ayaa Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku soo bandhigeen 7 Oday oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ergadii Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose ee Deganada Galmudug.
Waxa ay sheegeen Shabaabka Odayaashan in ay ka qayb galeen Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.
Odayaashan la soo bandhigay, ayaa sheegay in ay ku qaldameen Doorashadaasi, islamarkaana ay ka codsadeen Shabaab in laga cafiyo ka qayb galka Doorashooyinkaasi ka dhacay Magaalada Cadaado.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo goobta Odayaashan lagu soo bandhigay ka hadlay, ayaa sheegay mar hadii Odayaasha ay garawsadeen ka soo laabashada qaladkii ay galeen inay yihiin cafis.



