DAAWO: Xildhibaano lagu doortay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa maanta dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Gobolada Waqooyi.

Doorashadan ayaa waxa ay aheyd mid aad u xiiso badan, maadaama kuraasta qaar ay ku tartamayeen xubno caan ah  iyo siyaasiyiin.

Xubnaha maanta lagu doortay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen ilaa 4 Mudane, maadaama ay horey u sheegeen Guddiga Doorashooyinka in maanta la dooran doono 4 xildhibaan.

Xubnaha maanta la doortay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya Xuseen Carab Ciise oo mar kale nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo Xildhibaanada cusub ee Somaliya.

Xildhibaanada la soo doortay ayaa kala  ah Biixi Imaan Cige, Cabdirisaq Dahir Mohamud, Sicid Mohamed Mohamud iyo Xuseen Carab Ciise.

 

doorasho doorasho-1 doorasho-2 doorasho-4 doorasho-5 doorasho-3