Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka bilaabatay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Gobolada Waqooyi.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa waxa ay sheegeen in maanta la dooran doono ilaa 4 xildhibaan, sida ku cad Jadwalka Hoose oo ay soo saareen.
Biixi Iimaan Cige, C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Saciid Maxamed Maxmuud ayaa ku soo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Muqdisho.



