Guddiga Dooranshooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta iyo berri ay xareyn doonaan Ergadii dooran lahayd xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee dalka.
Guddigu waxa uu sheegay in maalinta Sabtida ah la dooran doono ilaa iyo 6 Xubnood oo ka mid noqon doona Xildhibaanda Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Doorashada ka socoto dalka ayaa mareysa heer gabo-gabo ah, iyadoo la doortay dhammaan xubnihii Aqalka Sare ku matali lahaa Dhamaan Maamul-goboleedyada dalka, waxaana ka harsan oo kaliya Gobolada Waqooyi ee dalka, iyadoo iyagana maalinta sabtiga ah bilaaban doonta.
Maamul Goboleedyada Dalka ayaa ka soo Gaba gabeeyay Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ku matali lahaa dhamaan maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Gobolada waqooyi oo wax yar ka harsan yihiin.


