DAAWO SAWIRADA: Dib u dhis lagu bilaabay The Village

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa dib u dhis lagu bilaabay maqaaxida The Village, kadib markii burbur xoogan uu ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee shalay ka dhacay nawaaxiga Guriga Hooyooyinka.

Qaraxan ayaa yimid kadib markii Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay uu ku Qarxay inta u dhaxeysa Ex Fiyoore iyo Xaruntii Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre) ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Ismiidaamiyihii, waxaana ku dhaawacantay 4 Qof oo kale, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Maamulka maqaaxida The Village, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii bilaabay in ay dib u dhisaan burburka maqaaxidaasi ka soo gaaray weerarkii Ismiidaaminta ahaa.

 

1q 2q 3q 4q