Baydhabo-RisaalaFM- Tababarkan oo socday mudo 4 maalmood ayaa waxaa loo qabtay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana lagu qabtay Taliska Magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay siminaarkan.
Tababarkan ayaa mudada uu socday saraakiisha waxaa lagu barayay ilaalinta xuquuqul insaanka, waxaana soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay qeybteeda xuquuqul insaanka.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa gaba gabdii soo xiray Tababarkan, waxaana saraakiisha uu kula dar daarmay in ay shaqo wanaagsan qabtaan.
Ugu dambeyntii Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa QM uga mahad celiyay sida mar walba ay u garab taagan tahay Maamulka Koonfur Galbeed.


