Maxaa Iska Badalay Aragtidii Jose Mourinho Ee Marcos Rojo ?

Manchester United macalinkeeda Jose Mourinho ayaan jecleen inuu  ka tago kooxda xiddiga Marcos Rojo, marka la gaaro bisha January sida ay werinayso Daily Record.

Portuguese macalinkooda ayaa diyaarinaya in uu wadda hadalo la furo islamarkaana dalab uu u diro Argentina daafaceeda Rojo, isagoona hada ku darsaday liiska xiddigaha dooqa u noqonaya Old Trafford.

Si kastaba ha ahaate Rojo ayaa noqonaya dooqa Special One maadaama ay dhaawac garoomada kaga maqan yihiin xidigaha Chris Smalling iyo Eric Bailly oo daafaca qalbada dhexe ka ciyaara.

Louis van Gaal ayaa horan keenay xiddigan garoonka Masraxa Riyada ee Old Trafford, waxaase jira in ay doonayaan kooxo ay kamid yihiin  Bayer Leverkusen iyo naadiga ka ciyaarta horyaalka Chinese Super League ee Shanghai SIPG.