Maxaa ka soo baxay Kulanka dhexmaray R/wasaaraha iyo Faroole ?

Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxweynihii hore ee Puntland Musharax Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), waxaa uu ahaa mid sadex geesood ah oo u dhaxeeyay Raiisul wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/raxmaan (Faroole) oo uu weheliyo Xildhibaan Juurile.

Shirkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa uu ahaa mid ay saxaafadu dibad joog ka ahayd, laakiin ila madax banaan oo ku sugan meel u dhow goobta uu ka dhacay kulanka ayaa sheegaya dhinacyada in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay isla soo qaadeen Doorashada Soomaaliya, hufnaanta iyo amniga Doorashooyinka, danaha Puntland iyo guud ahaan tan soomaaliyeed.

Lama cadeyn karo wax la isla diiday, wax la isku bedeshay iyo go’aamo laga heshiiyay in la qaato ama loogu ballamay in laga qaato marxalada soo socota iyo mid taaganba .

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Musharaxnimadii Madaxweynanimo uu ka tanaasulay C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole).

Kulankan waxaa uu muujinaya isu soo dhowaansho siyaasadeed oo dhexmaray Mas’uuliyiintan, oo inta aan ognahay ay labo ka mid ah u sharaxan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya.