DHAGEYSO: Madaxweynaha” Waan xalinaynaa waxyaabaha Puntland ay tabaneyso”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay kamaqnaasha Puntland shirkii lagu soo gaba gabeeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisa ay ka xuntahay arintaasi sidoo kalana Puntland wada hadal deg deg ah ay la bilaabi doonto.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay safarkii tacsida ahaa uu ku tagay dalka Kenya iyadoo ay jireen eedeymo loo jeedinaayay ciidamada Kenya oo ku aadanaa in duqeymo ka geesteen gobolka Gedo ay ku waxyeeleyeen dad shacab ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaalada ay dowladiisa kula jirto ururka Al-shabaab wuxuuna sidoo kale  si gaar ah uu kaga hadlay deegaanada ciidanka dowladda mararka qaar ay ka baxaan ayna la wareegaan ururka Al-shabaab.

Sikastaba shirkii lagu soo gaba gabeeya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka maqnaa Puntland oo aanan cadayn sababta rasmiga ah oo ay u diideyso marka laga soot ago khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.