Carmo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Degmada Carmo.
Ujeedka C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland uu u gaaray Degmada Carmo ayaa lagu sheegay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Gallan oo ku sugan Degmadaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka, waxaana ay ka wada hadli doonaan xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha Puntland iyo C/samad Gallan.
Kulanka ay qaadanayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/Samad Gallan ayaa la filayaa marka uu soo idlaado in ay si wadajir ah ula hadlaan warbaahinta.


