DEG DEG: Dagaal dib uga Qarxay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi hada uu dib uga qarxay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Aroortii hore ee saakay ayaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo waxaa laga maqlayay Rasaas goos goos ah, taas oo markii dambe isku bedeshay Dagaal toos ah.

Dagaalkan ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wada hadalo la doonayey in xal looga gaaro arrimaha Magaalada Gaalkacyo ayaa fashil ku soo dhamaaday, waxaana ilaa xalay cabsi laga qabay Dagaal qarxa.