Boosaaso-RisaalaFM- Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay 16 kartoon oo Khamri ah oo ay ku jiraan 360 Dhalo.
Booliska ayaa Khamrigan waxa ay ku soo bandhigeen saldhiga Magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale ay Ciidanka soo bandhigeen raggii watay ee doonaayay in ay Magaalada soo geliyaan.
Yuusuf Axmed Ciise, Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay kartoomada khamrigan ku jira in ay gaarayaan ilaa 16-kartoon, oo nuucyo kala duwan ah.
Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, Yuusuf Axmed Ciise, ayaa sidoo kale sheegay Booliska in ay gacanta ku hayaan raggii doonaayay inay ka ganacsadaan qamrigaan ee ka keenay dalka Itoobiya.





