Garowe-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku guuleystay xubintii ugu horeysay ee Aqalka Sare Deeganada Maamulka Puntland, kadib markii uu ka adkaaday Haweenay la tartameysay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la tartamaayay Haweeney lagu magacaabo Aamina Aadan oo heshay codad gaaraya 17 cod, halka Ra’iisul Wasaarahana uu xaqiijiyay codad gaaraya 47 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi.
Kursiga Aqalka Sare ee uu u tartamaayay Cumar C/rashiid ayaa soo gaba gaboobay, waxaana loo gudbay Kuraasta kale ee ay u tartamayaan Musharaxiinta kale ee u taagan qabashada Aqalka Sare ee Deeganada Maamulka Puntland.


