Baarlamaanka Puntland oo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Deegaanadooda

Garowe-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa la filayaa maanta oo Khamiis ah in ay soo doortaan xubnaha Aqalka Sare u matali doona Dowladda Federaalka ee soo socota, iyadoo xilkaasi ay u taagan yihiin Musharaxiin fara badan.

Xubnaha la filayo in ay ka qeyb galaan Doorashada ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaare, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, General Moorgan, waxaana Madasha Doorashada ay ka dhaceyso maanta la filayaa in ay yimaadaan Madaxda Maamulka Puntland.

Puntland ayaa xaqiijisay Qoondada Haweenka ee Boqolkiiba Soddon ee kuraasta Aqalka Sare, iyadoo la filayo xubno Haween ah in ay ka soo dhex muuqdaan Musharaxiinta tartami doona.

Maamulka Puntland ayaa noqonaya Maamulkii ugu dambeeyay ee soo doorta xubnaha Aqalka Sare ka soo galaya Deegaanada Puntland ee ku biiri doona Baarlamaanka cusub ee soo socda.