Qarax ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay sida ay idaacaddda Risaala u sheegeen Madax ka tirsan maamulka degmada Buurhakaba.
Guddoomiyaha degmada BuurHakaba Maxamed Cabdi Maxamed ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay Qarax ka dhacay meel u dhow hoyga uu ka deggan yahay Buurhakaba.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino , waxaana gudoomiyaha soo gaaray dhaawac sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Dhaawaca gudoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa loo cararay isbitaalka ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Askar ka tirsan ilaalada gudoomiyaha ayaa sidoo kale la sheegaya in ay soo gaareen dhaawac u fudud.


