Daawo Sawirada Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo ka bilaabatay Cadaado

Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa u tartamaya ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.

Qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa idaacadda Risaala u sheegay in doorashada  ay bilaabatay , islamarkana lagu wado in ergooyinka ay u codeeyaan xubnaha Aqalka Sare.

5 4 3 2 6