Baydhabo-RisaalaFM- Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Baydhdabo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka socday Howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka Guud ee Magaalada Baydhabo.
Howlgaladan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Nabad Sugidda Degmada Baydhabo.
Intii ay Howlgalada Ciidankaasi wadeen ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinooyin ay ururka Al-shabaab ku Aaseen mid ka mid ah xaafadaha ku yaalla Magaalada Baydhabo.
Taliye ku xigeenka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracase oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay Howlgaladaasi.


